Malaayiin qof Suudaaniyiin ah oo dhigaya dibad baxyo ka dhan ah Melleteriga talada lawareegay.

Thursday May 02, 2019 - 11:34:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaayiin qof Suudaaniyiin ah oo dhigaya dibad baxyo ka dhan ah Melleteriga talada lawareegay.

    Saacado kadib markii ay soo gaba gaboobeen wadahadalladii u dhaxeeyay hoggaamiyaasha shacabka kacdoonka ka wada wadanka suudaan iyo Saraakiisha melleteriga ee talada lawareegay ayaa la iclaamiyay dibad baxyo waaweyn oo ka dhan ah xukunka melleteriga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacado kadib markii ay soo gaba gaboobeen wadahadalladii u dhaxeeyay hoggaamiyaasha shacabka kacdoonka ka wada wadanka suudaan iyo Saraakiisha melleteriga ee talada lawareegay ayaa la iclaamiyay dibad baxyo waaweyn oo ka dhan ah xukunka melleteriga wadanka lagusoo rogay.


Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in malaayiin qof oo shacab ah ay kusii qulqulayaan fagaarayaasha waaweyn ee magaalooyinka Alkhurduum iyo Umu durmaan si ay cadaadis hor leh usaaraan golaha melleteriga KMG ah ee Albashiir talada kala wareegay.

Kooxda Isbaheysiga Xuriyadda iyo isbedelka ayaa ugu baaqday shacabka Suudaan in ay kasoo qeyb galaan dibad baxyo waaweyn oo lagu dalbanayo in xukuumad Rayid ah wadanka laga dhiso, wadahadalladii u dhaxeeyay saraakiisha ciidamada iyo siyaasiyiinta hoggaaminaysa kacdoonka ayaa fashil kusoo idlaaday kadib markii laysku fahmi waayay awood qeybsiga maamul ee wadanka.


dhinaca kale Ururka Midowga Afrika ayaa bayaan uu soo saaray saraakiisha melleteriga suudaan ku amray in muddo 60 maaalmood gudahood ah ay talada ku wareejiyaan shacabka lanasoo dhiso xukuumad Rayid ah.

Urur Midowga Afrika ayaa ugu hanjabay saraakiisha melleteriga suudaan in cunatqabateymo lasaari doono haddii ay isku dayaan in ay waqtiga sii dheeraystaan ayna diidaan dalabaadka ka imaanaya shacabka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items