Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ee degmada Marka oo Weeraro lakulmay.

Saturday May 04, 2019 - 11:27:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ee degmada Marka oo Weeraro lakulmay.

    Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weeraro qorshaysan ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Marka ee xarunta Shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weeraro qorshaysan ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaal degmada Marka ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay xalay saqdii dhexe dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gudaha magaalada iyo hareeraheeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac ay isdhaafsanayeen, illaa iyo hadda lama oga khasaara dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalladii xalay ka dhacay magaalada Marka.


Ma ahan markii ugu horraysay oo ay dagaallo ka dhacaan degmooyinka iyo deegaannada Sh/Hoose oo ay ku xooggan ku heystaan ciidamada shisheeyaha AMISOM.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items