11 Shacab Ah oo ku Shahiiday duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda ka geysteen Magaalada Qaza.

Sunday May 05, 2019 - 12:34:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    11 Shacab Ah oo ku Shahiiday duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda ka geysteen Magaalada Qaza.

    Ciidamada cirka maamulka Yahuudda ayaa sare uqaaday duqeymaha bahalnimo oo ay ka geysanayaan magaalada Qaza ee dhulalka Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada cirka maamulka Yahuudda ayaa sare uqaaday duqeymaha bahalnimo oo ay ka geysanayaan magaalada Qaza ee dhulalka Filasdiin.


Wararka ka imaanaya Qaza ayaa sheegaya in ugu yaraan 11 qof shacab ah ay dhinteen kadib duqeymo aan kala joogsi laheyn oo diyaaradaha Yahuudda ay ka geysteen xaafadaha magaalada hareeraysan ee Qaza, guddiga caafimaadka Filasdiiniyiinta ayaa sheegay in dadka dhintay ay ka mid yihiin hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay.

Duqeynta ugu khasaaraha badan waxay ka dhacday xaafadda Alzeytuun ee dhacda bariga magaalada Ghaza, sidoo kale ciidamada cirka Yahuudda ayaa burburiyay oo dhulka dhigay ilaa 7 guri oo kuyaal xaafadaha kala duwan ee magaalada Ghaza.


R/wasaaraha Yahuudda oo hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan beegsashada wax uu ugu yeeray Ururada Argagaxisada Xammaas iyo Jihaadul Islaami.

Dhinaca kale kooxaha muqaawamada Filasdiiniyiinta ayaa ku hanjabay in ay sare uqaadi doonaan duqeymaha xagga cirka ah ee ay ku qaadayaan magaalooyinka ay deganyihiin dadka Yahuudda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items