Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo lagu dhaawacay Saraakiil katirsan Ciidanka Maamulka Puntland.

Sunday May 05, 2019 - 14:00:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo lagu dhaawacay Saraakiil katirsan Ciidanka Maamulka Puntland.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo habeen hore ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.


Weerarka ayaa lala beegsaday saraakiil katirsan ciidamada maamulka Puntland waxaana kamid ah taliyaha ciidanka deegaanka Galgala ninka lagu magacaabo   C/Raxmaan Faarax Gurxan loona yaqaano Qaddaafi iyo kuxigeenkiisa oo isagana la yiraahdo Maxamad Cali Mire

Saraakiil katirsan Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu dhaawac xoog leh uu kasoo gaaray qadddaafi oo ahaa taliyihii maleeshiyaadka maamulka Puntland ee deegaanka Galgala.


Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay weeraro isugu jira dilal iyo qaraxyo ka fulinaysay xaafado katirsan magaalada Boosaaso, illaa iyo haddana wax war ah kamasoo bixin dhanka saraakiisha maamulka isku magacaabay Puntland.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items