Dowladda Kenya oo xaqiijisay in Weerar Khasaara dhaliyay uu uga yimid dhanka Al Shabaab.

Monday May 06, 2019 - 08:18:17 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo xaqiijisay in Weerar Khasaara dhaliyay uu uga yimid dhanka Al Shabaab.

    Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda uu khasaare kasoo gaaray weerar cusub oo xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolka NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in ciidamadeeda uu khasaare kasoo gaaray weerar cusub oo xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolka NFD.


Ku xigeenka Madaxa gobalka Mandheera ee Dowlada Kenya Loanse Amondi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 1 Askari uu ku dhaawacmay weerarkaasi lagusoo qaaday ciidankooda ku sugan deegaan ka mid ah dhulka N.F.D.

Waxaa uu intaasi ku daray in xoogagga Al Shabaab ay saldhigyada ka qaateen  qoryo iyo saanado Melleteri ay ka carareen ciidamadii Kenyaatiga ee ku sugnaa Saldhigyada la weeraray .

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Al Shabaab ay ka fuliyeen deegaan u dhow xadbeenaadka Kenya ay la wadaagto gobalka Gedo lagu dhaawacay tiro Askar katirsan Booliska Kenya iyagoona sheegay in xogtaasi ay ka soo xigteen Saraakiil katirsan Booliska Kenya .


Weerarkani oo dhacay todobaadkani ayaa qeyb ka ah howlgallada  xoogagga Al Shabaab  ay ku beegsanayaan Ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan dhulka N.F.D gaar ahaan gobalka Mandheera iyo deegaanada hoos yimaada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items