Maamulka Puntland oo is hortaag Ku sameeyay Shir uu Farmaajo ku qabasan lahaa Magaalada Garoowe.

Tuesday May 07, 2019 - 13:02:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland oo is hortaag Ku sameeyay Shir uu Farmaajo ku qabasan lahaa Magaalada Garoowe.

    Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa awood ciidan u adeegsaday baajinta kulan siyaasadeed oo Farmaajo uu ku qabsan lahaa magaalada Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hoolka uu shirku ka dhici lahaa ayaa lagu xardhay sawirka Farmaajo
Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha maamulka isku magacaabay Puntland ayaa awood ciidan u adeegsaday baajinta kulan siyaasadeed oo Farmaajo uu ku qabsan lahaa magaalada Garoowe.

Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka madaxtooyada Puntland ay is hortaag ku sameeyeen shir ay soo qaban qaabiyeen Ururada Bulshada Rayidka ah uuna marti ku ahaa Farmaajo.

Shirka labaajiyay ayaa Farmaajo lagu weydiin rabay su'aalo ku aaddan doorashooyinka madaxtinimada dowladda Federaalka ee lafilayo in ay qabsoomaan sanadda 2020.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in laxiro hoolkii uu shirku ka dhici lahaa iyadoona markii dambe ciidamo hubeysan ay goobta la wareegeen.


Farmaajo ayaa doonayay in uu shirka kusoo bandhigo qorshihiisa siyaasadeed ee ku aaddan dhanka doorashooyinka, arrintan ayaa fadeexad hor leh ku ah Kheyre iyo Farmaajo oo sheegta in ay maamulaan dalka Soomaaliya.

Dhammaan hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ku sugan magaalada Garoowe ayaa aad ugasoo horjeeda qaabka ay dowladda Federaalka uqorshaynayso doorashooyinka iyagoo ku eedaynaya Villa Somalia in ay waddo waqti kororsi aan waafaqsanayn dastuurka qabyada ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items