Dowladda Mareykanka Oo Aqoonsigii dhalashada kala laabatay Sheekh Maxamed Sheekh C/Raxmaan.

Wednesday May 08, 2019 - 06:54:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Aqoonsigii dhalashada kala laabatay Sheekh Maxamed Sheekh C/Raxmaan.

    dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dhalashadii kala noqotay Sheekh Maxamed Sheekh C/Raxmaan Kaariye oo Imaam k ahaa masjidka ugu weyn ee magaalada Portland dalka Mareykanka kadib markii ay sheegtay in uu booqasho aanan loo ogolaanin ku tagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Sheekh C/Raxmaan ayaa hadda ku sugan Hargeysa
dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dhalashadii kala noqotay Sheekh Maxamed Sheekh C/Raxmaan Kaariye oo Imaam k ahaa masjidka ugu weyn ee magaalada Portland dalka Mareykanka kadib markii ay sheegtay in uu booqasho aanan loo ogolaanin ku tagay dalka Soomaaliya.


Wadaadkan ayaa ka mid ahaa dadka ku nool Mareykanka ee aan loo ogoleyn in ay aadaan safaro dibadda ah balse waxaa la sheegay in si lama filaan ah uu kaga soo gudbay garoomada dalka Mareykanka islamarkaana uu dhawaan soo gaaray magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

Arbacadii lasoo dhaafay ayuu Kaariye kasoo dhaqaaqay dalka Mareykanka wuxuuna duulimaat qaatay muddo 14 saacadood ah kadib uu soo gaaray magaalada Dubai halkaas oo ay ku qabteen saraakiisha sirdoonka ee Imaaraatka iyo kuwa CIA-da Mareykanka.


Shabakad kasoo baxda magaalada Portland oo ah magaalada uu sheekhaan imaamka ka ahaa ayaa sheegtay in Sheekha muddo todobo saacadood oo xiriir ah lagu hayey garoonka diyaaradaha ee Dubai halkaasna lagu weydiiyay su’aalo dhowr ah oo la xiriiro safarkiisa inkastoo goor dambe lasoo fasaxay.

Wuxuu tibaaxay inuu doonayo inuu booqdo dhulkii uu ka dhashay balse uu dib ugusoo noqon doono Mareykanka haddii ay u suuragasho.

Laakiin dowladda Mareykanka ayaa soo saartay go’aan ay aqoonsiga muwaadinimo kala noqoneyso sheekha kuna mamnuuceyso in uu dib ugusoo noqdo Mareykanka sababo ku aaddan inuu jabiyey amarkii ladul dhigay ee ahaa in uusan gali Karin safaro xagga dibadda ah.

Bishii October ee la soo dhaafay ayey dowladda Mareykanka Sheekhan ku dartay liiska dadka ku nool Mareykanka ee aan loo ogoleyn safarada dibadda ah, waxaana ay talaabadaas ka dambeysay markii imaamkan lagu soo eedeeyey inuu ka mid ahaa dadkii kasoo qeyb qaatay Jihaadkii ka dhanka ahaa Ruushka ee Afghanistan, sidoo kalena Masjidka uu imaamka ka ahaa ay kasoo baxeen dhalinyaro badan oo ku biirtay Mujaahidiinta ka dagaalamaya daafaha dunida.

Related Items