Al Shabaab Oo Weerar Khasaara dhaliyay la beegsaday Ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen Gobolka Wajeer.

Wednesday May 08, 2019 - 12:56:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Khasaara dhaliyay la beegsaday Ciidamo Kenyaan ah xilli ay ku socdaalayeen Gobolka Wajeer.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar hubeysan ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar hubeysan ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga Kenya.


Wararka ka imaanaya gobolka Wajeer ayaa sheegaya in ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar dhabbagal ah u dhigeen kolonyo katirsan ciidanka Melleteriga Kenya xilli ay ku socdaalayeen nawaaxiga tuulada Gumaaray oo katirsan gobolka Wajeer.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ciidamada melleteriga Kenya ee KDF loo yaqaan  uu kasoo gaaray weerarka, ugu yaraan Meydka hal askari ayay ciidamada Kenya uga carareen goobta dagaalka, khasaaraha dhaawac ee ciidamada gaaray ayaa loo qaaday isbitaallo kuyaal magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay hub ka furteen ciidamada la weeraray ee Kenya "Mujaahidiinta ayaa 4 qori kasoo qaniimeystay ciidamada saliibiyiinta Kenya ee ku dhacay weerarka Kamiinka ah" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Hubka Al Shabaab ay ka qabsatay ciidamada Kenya ayaa kala ahaa 2 qori AK47 ah, hal qori M16 iyo qori RPG ah.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku saaban weerarkan khasaaraha dhaliyay ee ciidamadeeda lagula beegsaday gobolka Wajeer.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items