Dagaal Culus oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire Ee Gobolka Sh/Hoose.

Thursday May 09, 2019 - 10:29:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus oo xalay ka dhacay deegaanka Bariire Ee Gobolka Sh/Hoose.

    Iska hor'imaadyo xooggan ayaa dib uga qarxay deegaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo isbuucii lasoo dhaafay ay qabsadeen ciidamo huwan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor'imaadyo xooggan ayaa dib uga qarxay deegaanka Bariire ee dhaca duleedka degmada Afgooye gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo isbuucii lasoo dhaafay ay qabsadeen ciidamo huwan ah.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weeraro safballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka Bangarafaata dowladda Federaalka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen, ciidamada huwanta ah oo saldhigyo ka sameystay hareeraha deegaanka Bariire ayaa la kulmaya weeraro joogta ah oo uga imaanaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.


Ciidamada AMISOM oo wata gaadiidka gaashaaman iyo boqolaal Maleeshiyaad ah oo Mareykanku tababaray ayaa saldhigyo ka xaar xaartay meel ka baxsan Bariire waana kuwa weerar ujoog ah, Al Shabaab ayaa majaraha uheysa dagaalka oo waqtiga ay doonto qaadaysa weerarada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items