Al Shabaab oo Saraakiil katirsan Dowladda ku dishay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Thursday May 09, 2019 - 10:33:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Saraakiil katirsan Dowladda ku dishay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho loogu geystay Askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore alshabaab oo sarkaal ku dishay Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho loogu geystay Askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir ku khaarijiyay sarkaal katirsanaa wasaaradda Beeraha DF-ka, sarkaalka ladilay ayaa magaciisa lagusoo gaabiyay Xuseen Muuse wuxuuna ku magac dheeraa Maleeziyo.

Dhinaca kale weerar kale oo ka dhacay isgoyska Sanca ee degmada Kaaaraan ayey xoogagga Al Shabaab ku khaarijiyeen sarkaal katirsan maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ee dowladda Mareykanku tababartay kuwaas oo loo yaqaan Bangaraaf.


Sarkaalkan ladilay ayaa caan ku ahaa raafidda dadka shacabka ah xilliyada ay maleeshiyaadku  howlgallada Ashahaadda ladirirnimo ka geysanayaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Howlgalladan lagu khaarijiyay saraakiisha dowladda ayaa imaanaya xilli wax u eg xaalad Bandow ah ay dowladda Farmaajo kusoo rogtay magaalada Muqdisho ayna shaacisay in ay adkeysay amniga caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items