Diyaaradaha Mareykanka oo dad shacab ah ku duqeeyay deegaanka Farsooleey ee Gobolka Sh/Hoose.

Friday May 10, 2019 - 13:16:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka oo dad shacab ah ku duqeeyay deegaanka Farsooleey ee Gobolka Sh/Hoose.

    Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha hoose, duqeymahaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradaha dowladda Maraykanka ayaa duqeyn ka geystay deegaanka Farsooley ee gobolka Shabeellaha hoose, duqeymahaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.


Wararka ka imaanaya deegaanka Farsooley oo hoostagta degmada Qoryoolay ayaa sheegyaa in habeenkii xalay diyaaradaha Maraykanka ay duqeyn ku garaaceen qeybo kamid ah deegaanka.

Ugu yaraan 3 qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmey duqeynta ay diyaaradaha Maraykanku ka geysteen Farsooley.

Sidoo kale, ciidamada Bankraft oo uu Maraykanku tababaray ayaa gudaha usoo galay deegaanka Farsooley, iyagoona geystey falal lid ku ah amniga.



3 Qof oo beeraley ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Bankraft ay horey u kaxeysteen, kuwaas oo aan la ogeyn illaa iyo hadda halka lala aaday.

Arintan ayaa waxay imaaneysaa iyadoo diyaaradaha Maraykanka ee duqeymaha ka fulinayaan Soomaaliya la ogaaday in duqeymahooda ay si bareer ah ugu beegsadaan shacabka, waxaana arintan qiray hay’adaha sheegta xuquuqda Insaanka ee Qaramada Midoobay hoostaga iyo xitaa warbaahinta Maraykanka.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items