Qaraxyo Khasaara dhaliyay oo ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Friday May 10, 2019 - 14:23:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara dhaliyay oo ciidamada AMISOM Lagula Beegsaday deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara dhaliyay lagula beegsaday ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara dhaliyay lagula beegsaday ciidamada shisheeyaha AMISOM.


Qarax miino ayaa ciidamo lugaynayay lagula beegsaday degmada Buula Mareer ee Sh/Hoose, dadka deegaanka ayaa sheegay in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ciidamada Uganda kasoo gaaray qaraxa.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan 2 askari Miina Baarayaal ah ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay degmada Buula Mareer, ciidamada laqarxiyay ayaa sahan u ahaay kolonyo gaadiid ah oo ku safri lahaa wadada laamiga ah.

Dhinaca kale wararka laga helayo wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Afgooye iyo W/weyne ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan lala eegtay kolonyo ciidamo huwan ah.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu burburiyay gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamo kasoo amba baxay garoonka diyaaradaha Balidoogle kunasii jeeday dhanka magaalada Muqdisho, illaa iyo hadda si rasmi ah looga oga khasaaraha ciidamada shisheeye kasoo gaaray qaraxyadii maanta ka dhacay Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items