Al Shabaab Oo Ciidamo Kenyaan ah ku qarxisay duleedka degmada Mandheera.

Friday May 10, 2019 - 14:52:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Ciidamo Kenyaan ah ku qarxisay duleedka degmada Mandheera.

    Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari lagu gubay Mandheera
Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee kujira gummeysiga Kenya.



Wararka ka imaanaya NFD ayaa sheegaya in  Kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Finoow iyo Alcarabiya qarax xooggan lala eegtay waxaana gebi ahaanba gubtay gaari nooca Beeba ah oo ay saarnaayeen askarta  Kenyaatiga ah.

Ciidamadii saarnaa gaariga burburay ayaa la sheegay iney noqdeen dhimasho iyo dhaawac, waxaana jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya balse Xarakada Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan.



Tan iyo bilashadii bisha barakeysan ee Ramadaan Al Shabaab ayaa weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo ku bartilmaameedsanaysay ciidamada gummeysiga Kenya ee ku sugan gobollada Gaarisa,Wajeer iyo Mandheera.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items