Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Saraakiil Lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho.

Saturday May 11, 2019 - 11:47:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Saraakiil Lagu dilay gudaha Magaalada Muqdisho.

    Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho loogu geystay saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho loogu geystay saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Boondheere ku dilay sarkaal katirsanaa shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in rag hubeysan ay dileen sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Cali Maxamed kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Weerar kale oo ka dhacay xaafadda Dabakaaya Madoow ee degmada dharkeynleey ayaa lagu dilay mid ka mida ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa dharcadda loo yaqaan.


Dhinaca kale qarax xooggan ayaa deegaanka Weydoow ee galbeedka Muqdisho lagula beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo Boolis ah.

Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa sheegatay Xarakada Shabaabul Mujahaidiin sida ay baahisay idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items