Madaxweynaha Mareykanka oo qorshaynaya in uu Burburiyo Qadiyadda Falasdiin.

Saturday May 11, 2019 - 12:07:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mareykanka oo qorshaynaya in uu Burburiyo Qadiyadda Falasdiin.

    Warbixinno cusub oo warbaahinta usoo xaluushay ayaa sheegaya in hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump uu isbuucyada soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqi doono mashruuca loogu magac daray Safqatul qarni ama heshiiska qarniga oo ladoonayo in si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixinno cusub oo warbaahinta usoo xaluushay ayaa sheegaya in hoggaamiyaha dowladda Mareykanka Donald Trump uu isbuucyada soo socda si rasmi ah ugu dhawaaqi doono mashruuca loogu magac daray Safqatul qarni ama heshiiska qarniga oo ladoonayo in si dhammeystiran Yahuudda loogu gacan geliyo dhulalka Filasdiin.


Warbaahinta Yahuudda iyo midda Reergalbeedka ayaa baahisay in Trump uu soo gaba gabeeyay diyaarinta mashruucan dhagarta ah ee taageerada horta leh lagusiinayo yahuudda sahyuuniyadda, waxa loogu yeero Heshiiska qarniga oo Trump uu dowladaha dawaaqiidda carabta uu soo bandhigay sanaddii 2017 ayaa dhigaya in labaabi'iyo dhammaan qadiyadda Filasdiin Yahuudana lasiiyo magaalooyinka muhiimsan Falasdiin.


Shabakadda Fox News ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dukumiinta Trump oo ka kooban 175 Page illaa 200 oo Page uu dhowaan soo bixi doono.



Sidoo kale Telefeshinnada ugu afka dheer ee maamulka Yahuudda ayaa iyana baahiyay warbixinno ay ku sheegayaan in Trump uu dhowaan iclaamin doono mashruuca Heshiiska qarniga ah, qorshahan ayaa dhigaya in maamulka Ururka Fatax ee dabadhilifka ah loo ogolaado dhismaha wax u eg dowlad balse aan hubeysnayn oo Yahuudda hoos timaad waxaana xuduud unoqon doonta magaalada qaza.

Sidoo kale mashruuc gaaleedka Trump waxaa kamid ah in Ururka Xamaas hubka laga dhigo islamarkaana lagusoo daro maamulka sacbooleyda ah ee laga dhiso doonto daanta Galbeed illaa xuduudda Ghaza.


Sida ku cad khariiradda mashruucan dhulka ugu badan ee Filasdiin waxaa qaadanaya yahuudda halka maamulka dabadhilifka ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabaas Abuu Maazin uu hoostagi doono dowlad ku sheegtan Yahuudda mana loo ogola in uu yeeshay ciidan hubeysan.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qorshahan ay gadaal ka riixayaan qaar badan oo kamid ah hoggaamiyaasha dawaaqiidda carabta Murtadiinta sida dhaxal sugayaasha dowladaha imaaraatka carabta iyo Cabdi fataax alsiisi oo ku magacaaban madaxweynaha Masar balse lama oga sida uu u dhaqan geli doono qorshahan dhagarta ah ee ka dhanka ah muslimiinta shaam.

Related Items