Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay Taliyihii ciidamada isku dhafka ah ee maamullada Galmudug iyo Puntland

Sunday May 12, 2019 - 10:28:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar lagu dilay Taliyihii ciidamada isku dhafka ah ee maamullada Galmudug iyo Puntland

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorshaysan oo lagu dilay taliyihii ugu sarreeya ciidamada isku dhafka ah ee maamullada Galmudug iyo Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorshaysan oo lagu dilay taliyihii ugu sarreeya ciidamada isku dhafka ah ee maamullada Galmudug iyo Puntland.


War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerar ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo kaas oo lagu dilay Col.Khaliif Nuur Shiil oo ahaa taliyaha ciidamada isku dhafka ah.

Weerarka oo dhacay xalay ayuu dhaawac culus kasoo gaaray taliyaha balse saaka ayuu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray sida ay sheegeen ilo caafimaad oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyaadka isku dhafka ah ee uu taliyaha u ahaa Col.Khaliif ayaa caan ku ahaa fulinta howlgallada raafka ah ee ka dhanka ah shacabka deggan magaalada Gaalkacyo waxayna ahaayeen maleeshiyaad ushaqeeya qaab ashahaadda ladirir ah.


Weerarkii ugu horreeyay ee Al Shabaab ay ka fuliso magaalada Gaalkacyo tan iyo markii ay bilatay bisha Barakeysan ee Ramadaan, sanaddii lasoo dhaafay weerar ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo ayaa lagu dilay Nin Nabinimo sheegtay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Wali Cilmi yare.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items