Dowladda Kenya oo Sheegtay in Muddo 3 Bilood ah ay Hakad Gelisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

Sunday May 12, 2019 - 11:18:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo Sheegtay in Muddo 3 Bilood ah ay Hakad Gelisay Duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi.

    Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sababta ay u mamnuucday duulimaadyadii diyaaradaha ee sida tooska ah isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sababta ay u mamnuucday duulimaadyadii diyaaradaha ee sida tooska ah isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya ayaa sheegay in arrimo amni darteed ay u qaadeen tallaabadan, wuxuu sheegay in diyaaraduhu muddo sedax bilood ah ku hakan doonaan magaalada Wajeer halkaas oo baaritaanno adag lagu marsiin doono.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in cabsi dhanka ammaanka ah ay ka qabto diyaaradaha kasoo kicitimaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diyaarado shalay ka duulay Muqdisho oo loo weeciyay dhanka magaalada Wajeer ayaa baaritaanno adag lamarsiiyay, qaar kamid ah rakaabkii diyaaradahaas la socday ayaa sheegay in muddo 3 saacadood xiriir ah ay baaritaanno ku hayeen ciidamada Booliska dowladda Kenya.


Tallaabadan ay Kenya qaadday waxay saameynta ugu daran ku yeelan doontaa madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka oo isbuuc walba usafra magaalada Nairobi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items