Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu dilay Sarkaal Turkish ah.

Sunday May 12, 2019 - 15:58:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu dilay Sarkaal Turkish ah.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dilay sarkaal katirsan dowladda Turkiga oo ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lagu dilay sarkaal katirsan dowladda Turkiga oo ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Jugta qarax xooggan oo maanta duhurkii laga maqlay xaafado katirsan degmada Hodon  ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca soomaalidu utaqaan Qooqan waxaana saarnaa sarkaal Ajnabi ah oo u dhashay dalka Turkiga sida ay dad goob joogayaal ah sheegeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan lagu dilay sarkaalka katirsan dowladda Turkiga.


"Mujaahidiinta ayaa qarax ku dilay sarkaal katirsan dowladda Ridada Turkiga oo ka howlgelayay saldhigga Meleteri ee Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab waxay sheegtay in dhammaan saraakiisha Turkiga ee ku sugan dalka Soomaaliya ay bartilmaameed sharci ah u yihiin sababa laxiriira iyagoo qeyb ka noqday duullaanka gardarrada ah ee lagusoo qaaday dalka

dhinaca Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ku dhintay Nin Injineer Turki ah waxaana dhaawacmay qaar kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa.

Dowladda Turkiga ayaa qeyb ka ah dowladaha faragelinta kusoo sameeyay Soomaaliya waxayna Turkigu Muqdisho ku leeyihiin saldhig Melleteri oo aad uweyn,

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items