Askar katirsan Ciidamada Uganda oo isku dhax dishay Xerada Xalane.

Monday May 13, 2019 - 11:19:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo isku dhax dishay Xerada Xalane.

    Toogasho ka dhacday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay geeriday askar iyo saraakiil katirsan ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toogasho ka dhacday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay geeriday askar iyo saraakiil katirsan ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shaqaaqo maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay ka dhacday Xerada Xalane ay sababtay in ay dhintaan illaa sedax askari Yugaandheys ah oo qaarkood ay ahaayeen saraakiil, askari Ugandheys ah ayaa toogtay sarkaal Kormeera ahaa iyo askari kale oo uu khilaaf kala dhaxeeyay.

Afhayeenka ciidanka Uganda Brig Richard Karemire ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kampala in sedax kamid ah ciidamada AMISOM ee ka socda dowladda Uganda ay ku dhinteen toogasho ka dhacday xerada Xalane, wuxuu xaqiijiyay in Nin sarkaal ah uu toogtay laba sarkaal kadibna uu isagu isdilay.


Mas'uulkan u hadlay dowladda Uganda ayaa ka gaabsaday in uu sheego sababta ay ciidamadu isku dileen balse wuxuu sheegay  in ay socdaan baaritaanno arrinkaas ku aaddan.

Ciidamada Dowladda Uganda oo muddo 12 sanadood xiriir ah dagaal uga jira dalka Soomaaliya ayaa wajahaya xaalado nafsaani ah oo aad udaran, saldhigyo kuyaal gobolka Shabeellaha Hoose oo ciidamada Uganda ku suganyihiin ayaa dhowr mar lagasoo calaamadeeyay askar naftooda gooyay kadib markii ay u adkeysan waayeen xanuunka diifta dagaalka.

Weerarada dhabbagalka ah iyo qaraxyada aan kala joogsiga laheyn ee xoogaga Al Shabaab ku beegsanayaan ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay ayaa sababay in boqolaal askari ay noqdaan kuwa dhimirka la' oo aan awoodin in ay dagaalka sii wadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items