Xoogag Hubeysan oo Askari ku dilay degmada Kaaraan hubkii uu watayna ka furtay.

Monday May 13, 2019 - 11:32:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Hubeysan oo Askari ku dilay degmada Kaaraan hubkii uu watayna ka furtay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Bariga magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hubeysan oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Bariga magaalada Muqdisho.


Xoogag hubeysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan ku toogtay askar katirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Melleteriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sheegay  in xoogaga weerarka qaaday ay toogasho ku dileen askari katirsan ciidanka Melleteriga ayna horay ugasii qaateen qori AK47 ah iyo booshkiisa, sidoo kale waxaa isla goobta lagu dhaawacay askari kale oo katirsanaa ciidamada Booliska.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in raggii weerarka geystay oo katirsanaa Al Shabaab ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen, dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ayaa kusii xoogeysanayay degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo bilashadii bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items