Weeraro hubeysan oo lagu qaaday Saldhigyo ku yaal duleedka Kismaayo.

Monday May 13, 2019 - 15:03:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro hubeysan oo lagu qaaday Saldhigyo ku yaal duleedka Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada gummeysiga Kenya ee saldhigyada melleteri ku leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanka Cabdalla Biroole ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada gummeysiga Kenya ee saldhigyada melleteri ku leh.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen jugta madaafiic iyo daryanka rasaas xooggan oo labada dhinac isdhaafsanayeen, dagaalka ayaa bilaawday kadib markii xoogaga Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Kenya.

Dhanka deegaanka Yootooy oo ku dhow magaalada Kismaayo waxaa markale ka dhacay iska hor'imaadyo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay ciidamada maamulka isku magacaabay Jubbaland.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar ku asqeeyeen saldhigga ciidamada sirdoonka maamulka Axmed Madoobe, sidoo kale qarax xooggan ayaa xalay fiidkii laga maqlay gudaha Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa lagu beegsaday ciidamo ku sugnaa isgoyska Golol balse lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa lagu beegsaday ciidamada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items