Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Boondheere.

Tuesday May 14, 2019 - 10:34:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerar lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Boondheere.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii isgoyska Boondheere ku toogtay Cali Hiloowle Cali dheere oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka ammaanka degmadaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka amniga Boondheere.

Dhinaca kale mas'uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa isku day dil ka badbaadin kadib markii laweeraray goob ah ku shirsanayaayeen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in labeegsaday guddoomiyaasha degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile.


Hal askari ayaa ku dhaawacmay weerarka oo loo adeegsaday qaraxyo balse majirin wax dhibaata ah oo gaartay labada guddoomiye ee qaraxyada lagu weeraray.

Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo bilashadii bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items