Wasaaradda Waxbarashada Oo Xaqiijisay in laxaday Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare.

Tuesday May 14, 2019 - 10:56:03 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada Oo Xaqiijisay in laxaday Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare.

    Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay warar maalmihii lasoo dhaafay laysla dhaxmarayay oo sheegayay in laxaday Imtixaankii dugsiyada Sare oo sanadkan ay qaadaysay wasaaradda Waxbarashada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay warar maalmihii lasoo dhaafay laysla dhaxmarayay oo sheegayay in laxaday Imtixaankii dugsiyada Sare oo sanadkan ay qaadaysay wasaaradda Waxbarashada.

Cabdi Raxmaan Goodax Barre oo ah wasiirka waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay sheegay in labaabi'iyay dhammaan Imtixaanadii maalmahan laqaadayay islamarkaana dib loo geli doono dhowr maaddo oo ardayda loo xaluuliyay.

Wuxuu xaqiijiyay in dadkii Wasaaradda Waxbarashada u xilsaartay diyaarinta imtixaanka ay ku lug lahaadeen falkan Imtixaanka lagu qishay islamarkaana baraha bulshada lagu faafiyay imtixaankii ay dowladdu diyaarisay.

Fadeexaddan ku habsatay dowladda Federaalka ayaa meesha ka saaraysa in bahda Waxbarashada ay ku kalsoonaadaan Imtixaanaadka ay qaban qaabiso dowladda.


Goodax Barre ayaa iclaamiyay in Imtixaanaadka dib loo bilaabi doono 27 -ka bishan May islamarkaana dhammaan baraha Bulshada laga jari doono dalka Soomaali sida uu hadalka u dhigay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items