Gaari Tiknika ah oo ku gubtay qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

Tuesday May 14, 2019 - 11:49:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari Tiknika ah oo ku gubtay qarax ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay qarax aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegay in qarax xooggan uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda oo ka yimid dhanka Muqdisho kunasii jeeday Afgooye.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu burburiyay gaariga waxaana la arkayay darawalka iyo qeybta hore ee gaariga oo dhan ugo'day halka qeybaha kale ee gaariga iyo ciidamadii saarnaa ay dhan kale ugo'een.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhammaan ciidamadii gaariga la socday ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxii maanta ka dhacay Ceelasha Biyaha mana jiro ruux bad qaba oo askarta ayaa noqday kuwa dhintay iyo ku dhaawacmay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items