Dagaallo Ka Dhacay degmda Afmadoow iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Tuesday May 14, 2019 - 11:55:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Dhacay degmda Afmadoow iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Afmadoow oo katirsan Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen degmada Afmadoow oo katirsan Jubbada Hoose.

Xoogagga Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay saqdii dhexe weerar safballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ay ku leeyihiin gudaha degmada iyo hareeraheeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen jabaqda rasaasta lays dhaafsanayay iyo madaafiic balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay.

Dhinaca kale ciidamada Al Shabaab ayaa xalay weeraray saldhigyo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku leeyihiin deegaannada Arbacoow,Lambar60 iyo Bariire oo dhammaantood kawada tirsan gobolka Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items