Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar naf-hurnimo oo lagu beegsaday xarunta degmada Wardhiigleey.

Tuesday May 14, 2019 - 13:13:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo sheegatay Mas'uuliyadda Weerar naf-hurnimo oo lagu beegsaday xarunta degmada Wardhiigleey.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay hareeraha madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta ka dhacay hareeraha madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qarax xooggan oo maanta lagu beegsaday xarunta degmada Wardhiigleey.

Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay ku beegtay waqti xarunta degmada Wardhiigleey ay shir ku lahaayeen mas'uuliyiinta degmada iyo saraakiisha qaabilsan amniga ayna ka arrinsanayeen sidii sare loogu qaadi lahaa howlgallada lagu beegsanayo dadka ku eedeysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa ciidamada loo yaqaan dhar cadde ee Jawaasiista ah.


"Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarunta degmada Wardhiigleey xilli halkaas ay ku shirsanaayeen saraakiisha Murtadiinta waxaana jira khasaara soo gaaray cadowga Alle" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa yimid xilli ammaanka magaalada Muqdisho ay si aad ah u adkeeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qaraxan ka dhacay xarunta degmada Wardhiigleey ayaa muujinaya sida ay xukuumadda Xasan Cali Kheyre ugu fashilantay sugidda ammaanka xarumaheeda waxaana xusid mudan in waddooyinka waaweyn ee magaalada iyo Jidcadayaasha lagu gooyay dhagaxaan shacabkana loo diiday in ay isticmaalaan waddooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items