Melleteriga iyo Kooxaha Kacdoonka oo Ku Heshiiyay dhismaha Dowladda soo socota.

Wednesday May 15, 2019 - 10:29:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melleteriga iyo Kooxaha Kacdoonka oo Ku Heshiiyay dhismaha Dowladda soo socota.

    Dabaal degyo ayaa ka bilaawday wadanka Suudaan saacado kadib markii lagu dhawaaqay in heshiis buuxa laga gaaray qaabka wadanka loo maamulo sanadada soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabaal degyo ayaa ka bilaawday wadanka Suudaan saacado kadib markii lagu dhawaaqay in heshiis buuxa laga gaaray qaabka wadanka loo maamulo sanadada soo socda.

Wararka ka imaanya Suudaan ayaa sheegaya in Golaha Melleteriga KMG ah iyo kooxaa Kacdoonka ay ku heshiiyeen qaabka loo qeybsanayo awoodda dowladda lasoo dhisi doono.

Afhayeen uhadlay kooxaha kacdoonka Suudaan ayaa warbaahinta u sheegay in 67% ay ka heleen dowladda rayidka ah ee lasoo dhisi doono islamarkaana uu jiro is faham guud.

Mudada KMG ah ee wadanka Suudaan ay ka jiri doonto xukuumadda rayidka ah ayaa lagu sheegay 3 sano kadibna waxaa laqaban qaabin doonaa doorashooyin madaxtinimo iyo kuwa baarlamaani ah.


Boqolaal kun oo qof ayaa iskusoo baxyo farxadeed ka dhigaya fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Al Khurduum waxayna gacan qaadayeen saraakiisha ciidanka Melleteriga.

Heshiiskan ayaa imaanaya maalin kadib markii rasaas ka dhacday magaalada Khurduum lagu dilay 5 qof dibad baxayayaal ah iyo Gaashaanlle katirsan ciidanka Melleteriga.

Horraantii bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka Melleteriga ay inqilaab talada uga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir oo wadanka maamulayay muddo 30 sanadood ah.

Liibaan Jeexoow Cabi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items