Al Shabaab Oo Weeraro askar lagu dilay ka fulisay Muqdisho iyo Gobollada dalka.

Wednesday May 15, 2019 - 10:48:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weeraro askar lagu dilay ka fulisay Muqdisho iyo Gobollada dalka.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ay xoogagga Al Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ay xoogagga Al Shabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ku leeyihiin deegaanka Singullar ee dhaca duleedka Kismaayo.

Wariye ku sugan Jubbooyinka ayaa soo sheegay in iska hor'imaad xooggan uu muddo daqiiqada ah ka socday deegaanka oo udhaxeeya Buula Guduud iyo Baar Sanguuni.

Dhinaca kale weerar Bambaano oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Hilibka ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac soo gaaray askari kale, qarax shalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha waxaa lasheegay in ay ku dhinteen sedax askari.


Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ka dhan ah askarta dowladda iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items