Talibaan oo la wareegtay Magaalo Muhiim ah oo katirsan Wadanka Afghanistan.

Wednesday May 15, 2019 - 11:07:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talibaan oo la wareegtay Magaalo Muhiim ah oo katirsan Wadanka Afghanistan.

    Ciidamada Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmo istiraatiiji ah oo dhacda bartamaha wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Jihaadiga Taliban ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta degmo istiraatiiji ah oo dhacda bartamaha wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya gobolka Goor ayaa sheegaya in xoogagga Taliban ay isku fidiyeen degmada Tash-haar Sad ayna gacanta ku dhigeen xarumaha dowladda iyo saanado hub ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lagu sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay qabsadeen laba gaari oo nuuca gaashaaman ah,5 gaari nuuca Ranjarka ah sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen dhamman saldhigyadii ciidamada ee degmada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Taliban uu isku dhiibeen  Taliyihii ciidamada degmada isaga iyo askar fara badan.


Degmada Tash-haar Sad ee Taliban la wareegtay muddo 6 bilood oo xiriir ah waxaa saarnaa go'doomin dhan walba waxayna tani dhabar jab ku tahay xukuumadda Taakta daran ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul taas oo taageero caalami ah ka helaysa soo duulayaasha Mareykanka iyo NATO.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items