Akhriso: Magacyada Mas'uuliyiin Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Qaraxii ka dhacay Degmada Wardhiigleey.

Wednesday May 15, 2019 - 11:15:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Magacyada Mas'uuliyiin Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Qaraxii ka dhacay Degmada Wardhiigleey.

    Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar naf hurnimo oo shalay ka dhacay xarunta degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay Muqdisho
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weerar naf hurnimo oo shalay ka dhacay xarunta degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.


Weerarka oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah ayaa lagu beegsaday isku imaatin gudaha xarunta uga socday saraakiisha ammaanka Wardhiigleey.

Warbaahinta islaamiga ah ayaa heshay magacyada qaar kamid ah saraakiishii dhimashada iyo dhaawacyada kasoo gaareen qaraxii salay waxaana kami ahaa:-

Cali Aadan Warsam oo ahaa xogayaha degmada waxaa soo gaaray dhaawac halis ah

Nin magaciisa lagusoo koobay Cumar oo ahaa Agaasimaha guud ee Minishiibiyada degmada waxaa lagusoo waramaa in uu ku dhaawacmay weerarkii shalay.



Sidoo kale saraakisha ku dhaawacmay weerarkii shalay ka dhacay xarunta degmada Wardhiigleey waxaa kamid ah Taliye ku xigeenka Minishiibiyada Degmada.

Madaxa Caashuuraha degmada ahaana sarkaal katirsanaa BS-ta ayaa la xaqiijiyay in uu kamid ahaa saraakiishii ku dhintay qaraxii aadka u xooganaa ee shalay dhacay.

Cabdi Guure oo ahaa guddoomiye waaxeed ayaa kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii shalay, haweenay lagu magacaabo Dahabo Salaad oo kamid aheyd guddoomiye waaxeedyada degmada ayaa iyana dhaawacantay.

Dhimashada guddoomiye waaxeedyada maamulka degmada Wardhiigleey ayaa gaaraysa labo sida ay sheegeen saraakiil katirsan maamulka gobolka Banaadir waxaana badanaa dhaawacyada saraakiisha ladhigay isbitaalka Digfeer.

Related Items