8 Askari AMISOM ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Wednesday May 15, 2019 - 22:24:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    8 Askari AMISOM ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula beegsaday deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula beegsaday deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe qarax xooggan lagula eegtay kolonyo ciidamo AMISOM ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan 8 askari oo katirsan AMISOM kadib marki gaari Taaw ah oo ay la socdeen ay Miino dhulka lagu aasay ku qaraxday.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeye balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska AMISOM oo ku aaddan qaraxii Carsbiska ka dhacay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items