Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Thursday May 16, 2019 - 10:46:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

    Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax aad u xooggan oo maanta barqadii lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax aad u xooggan oo maanta barqadii lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ayaa sheegaya in jugta qarax xooggan laga maqlay goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee saldhigga ku leh deegaankaas.

Qaraxa ayaa ka dhacay geed hoostiisa oo ciidamada Itoobiya ay maalin walba oo khamiis ah soo dhigtaan Jidgooyo ay ku baaraan dadka badeecaaha ganacsi usoo qaada deegaanka Halgan.

Goob joogayaal warbaahinta lahadlay daqiiqado kadib markii uu qaraxu dhacay ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan kadibna ay boqolaal askari  isku gedaameen goobta.


Saraakiisha ciidamada gummeysiga Itoobiya ee ku sugan deegaanka Halgan ayaa hawada ka saaray isgaarsiinta magaalada waxayna mashquulsanyihiin daad gureynta Meydadka iyo dhaawacyada ka dhashay qaraxa.

Sababta ay ciidamada Itoobiya ujareen isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in aan la ogaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kasoo gaaray qaraxii maanta lala eegtay iyo iyagoo ka baqaya in qaraxyo kale ay magaalada ka dhacaan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items