Weeraro askari lagu dilay oo ka dhacay deegaannada Bariire iyo Warmaxan Ee Sh/Hoose.

Thursday May 16, 2019 - 12:04:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro askari lagu dilay oo ka dhacay deegaannada Bariire iyo Warmaxan Ee Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan Sh/Hoose.
   
Wararka ka imaanaya deegaanka Warmaxan ee Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in qarax shalay gelinkii dambe halkaas lagula beegsaday ciidamada dowladda Federaalka uu sababay khasaara lixaad leh.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan Sedax askari ay ku dhinteen qaraxa islamarkaana gaari Cabdi Bile ah uu gubtay, ciidamada labeegsaday ayaa la sheegay in ay ka yimideen dhanka degmada Wanllaweyn waxayna kusii jeedeen degmada Afgooye.

Dhinaca kale iska hor'imaad ka dhacay deegaanka Bariire ee duleedka Afgooye ayaa sababay dhimashada 2 askari iyo dhaawac soo gaaray mid kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay weerar gaadma ah ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa dowladda ee Mareykanku tababaray.


Deegaanka Bariire oo dhowaan ay qabsadeen ciidamo huwan ah waxaa ka dhacaya weeraro joogta ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku qaadayaan cadowga jinsiyadaha kala duwan leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items