Al Shabaab iyo 'Jubbaland' oo ku dagaallamay duleedka Degmada Garbahaareey.

Thursday May 16, 2019 - 12:25:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab iyo 'Jubbaland' oo ku dagaallamay duleedka Degmada Garbahaareey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmaray Al Shabaab iyo maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmaray Al Shabaab iyo maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay.

Dagaallada oo ahaa kuwa saacado badan qaatay ayaa maanta barqadii duleedka degmada Garbahaarey ku dhaxmaray ciidamo katirsan Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka Amxaara halkaalka ah ee hoostaga maamulka Axmed Madoobe.

Warar lagu kalsoonyahay waxay sheegeeyaan in ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada Jubbaland lagu dilay dagaalkii maanta, xoogaga Al Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada oo kasoo baxay degmada Garbahaarey islamarkaana doonayay in ay wadada dhigtaan isbaaro ay gaadiidka dadweynaha lacago baad ah uga qaadaan.


Meydadka askarta lagu dilay dagaalkii maanta ayaa yaal wadada hareeraheeda, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay goobta dagaalka ka heleen saanado melleteri.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items