Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Deegaanka Diif Ee Jubbada Hoose.

Friday May 17, 2019 - 10:49:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo la wareegay Deegaanka Diif Ee Jubbada Hoose.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katiran Al Shabaab ayaa xalay fiidkii duullaan ballaaran ku qaaday deegaanka Diif Soomaali oo aan sidaas uga fogeyn dhulka NFD ee Kenya gummeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katiran Al Shabaab ayaa xalay fiidkii duullaan ballaaran ku qaaday deegaanka Diif Soomaali oo aan sidaas uga fogeyn dhulka NFD ee Kenya gummeysato.
Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka iyo dhammaan saldhigyadii maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland ee Axmed Madoobe madaxda uyahay.

Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku hadasha ayaa baahisay "in Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen saanado hub ah kadib markii ay maleeshiyaadka dabadhilifyada ah isaga carareen deegaanka Diif".

Dadka ayaa deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen xoogaga Al Shabaab oo daldalanaya Keydadkii hubka ciidamada maamulka Jubbaland, lamasoo sheegin wax dagaal ah oo deegaanka ka dhacay kadib markii ciidamadii maamulka Axmed Madoobe ay ufirxadeen dhanka Kenya.


Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay dagaal kula wareegeen saldhigyo ay ciidamada dowladda Federaalka ku lahaayeen deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sare uqaadday dagaallada ay kula jirto ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya tan iyo markii ay bilatay bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items