Isbaheysiga Carabta Oo Duqeymo Shacab lagu xasuuqay ka geystay dalka Yemen.

Friday May 17, 2019 - 10:46:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbaheysiga Carabta Oo Duqeymo Shacab lagu xasuuqay ka geystay dalka Yemen.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in yaraan 10 qof ay dhinteen kadib duqeymo aan kala joogsi laheyn oo diyaaradaha isbaheysiga carabta ay ka geysteen magaalada Sanca ee caasimadda u ah wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in yaraan 10 qof ay dhinteen kadib duqeymo aan kala joogsi laheyn oo diyaaradaha isbaheysiga carabta ay ka geysteen magaalada Sanca ee caasimadda u ah wadankaasi.


Duqeymo bahalnimo oo shalay ka dhacay xaafadda lagu magacaabo Alrabaad ee magaalada Sanca ayaa sababay dhimashada 6 qof oo dhammaantood isku qoys ah, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in qofna uusan ka badbaadin duqeynta xaafadda alrabaad oo beegsatay guri dad shacab ah deganaayeen.

Duqeyn kale oo gelinkii dambe ee maalintii khamiista ka dhacday Koonfurta magaalada Sanaca waxaa ku dhintay afar qof shacab taas oo isku geynta khasaaraha dhimasho ee ka dhashay duqeymihii shalay ka dhigaysa 10 qof.


Dhinaca kale isbaheysiga Taxaalufka carbeed ee ay hoggaaminayaan dowladaha aala aala sacuud iyo imaarataka Carabta ayaa qirtay mas'uuliyadda duqeymihii dhacay, bayaan kasoo baxay isbaheysiga ayaa lagu sheegay in khalad farsamo oo dhacay uu sababay dhimashada dadka shacabka ah.

Isbaheysiga dawaaqiidda Carabta ee duullaanka ku qaaday wadanka Yemen ayaa caan ku ahaa in uu xasuuqo shacabka rayidka ah iyagoo ku marmarsiyoonaya ladagaallanka Maleeshiyaadka xuuthiyiinta ee wakiillada u ah dowladda shiicada Iiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items