Mas'uul Katirsan Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Baay.

Saturday May 18, 2019 - 14:14:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsan Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo ku dhintay Qarax ka dhacay Gobolka Baay.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad uxooggan oo maanta barqadii ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay kana mid ah degmooyinka ku jira gacanta ciidamada Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax aad uxooggan oo maanta barqadii ka dhacay degmada Bardaale ee gobolka Baay kana mid ah degmooyinka ku jira gacanta ciidamada Itoobiya.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah uu sababay dhimashada sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay Taliyihii heystay ciidamada inta badan degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Baay kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Kabtan Fallar.

Sarkaalka dhintay ayaa taliye u ahaa ciidamada Sirdoonka ee degmooyinka Qansaxdheere,Bardaale,Diinsoor iyo deegaanka Awdiinlle oo dhammaantood ku hoos jira gummeysiga Xabashida Itoobiya.


Wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiil kale oo katirsanaa maamulka Koonfur Galbeed ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa oo haleelay gaari Tiknika ah xilli uu ku socdaalayay duleedka Bardaale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items