Madaxweynaha 'Koonfur Galbeed' Oo Xaqiiijiyay in Al Shabaab ay ka dishay Sarkaal muhiim u ahaa Maamulkiisa.

Sunday May 19, 2019 - 11:37:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha 'Koonfur Galbeed' Oo Xaqiiijiyay in Al Shabaab ay ka dishay Sarkaal muhiim u ahaa Maamulkiisa.

    Maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa la barooranaya mas'uul shalay looga dilay qarax xooggan oo ka dhacay duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed ayaa la barooranaya mas'uul shalay looga dilay qarax xooggan oo ka dhacay duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay.


Cabdi Casiis Laftagareen oo ku magacaaban madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa ka hadlay dilka Kabtan Falaar Liibaan Nuur oo ahaa madaxii sirdoonka ee illaa sedax degmo oo katirsan gobolka Baay islamarkaana xubin ka ahaa golaha deegaanka Bardaale.

Laftagareen wuxuu sheegay in mas'uulka dhintay uu dhankooda murugo ku yahay isagoo hanjabaad u jeediyay xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo mas'uul ka aheyd qaraxii lagu dilay Kabtan Falaar Liibaan Nuur , wuxuu ugu baaqay maamullada degmooyinka gobolka Bay in ay u aargudaan sarkaalkii shalay laga dilay.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kabtan Falaar uu taliye u ahaa Maleeshiyaadka BS-ta loo yaqaan ee ku sugan degmooyinka kala ah Diinsoor,Qansaxdheere Bardaale iyo deegaanka Awdiinle  maleeshiyaadkaas ayaana carra tuur u ah xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items