Saldhigyo Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Dowladda ay ku leeyihiin Sh/Hoose oo Weeraro lagu miray.

Sunday May 19, 2019 - 12:03:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyo Ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Dowladda ay ku leeyihiin Sh/Hoose oo Weeraro lagu miray.

    Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uga suganyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al Shabaab ayaa markale weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka Soomaaliya uga suganyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.


Xalay fiidkii ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Sabiid oo kaabiga ku haya degmada Afgooye ee duleedka Muqdisho, dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay maleeshiyaadka dowladda kala wareegeen difaacyo ay ku lahaayeen Buundada Sabiid.

Dhinaca kale weeraro qorshaysan ayay xalay lakulmeen saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaannada Buufoow iyo Lambar60 oo dhammaantood hoos yimaad degmada Marka.


Weerar kale oo ka dhacay saldhigga ciidamada AMISOM ee duleedka degmada Qoryooleey ayaa la sheegay in uu dhaliyay khasaaro, warar soo baxay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku gubeen dhowr Teendho oo ciidamada Uganda uga dhax dhisneed saldhigga.

Tan iyo bilashadii bisha barakeysan ee Ramadaan ayay weeraradu kusii xoogeysanayeen deegaanno katirsan shabeellaha Hoose oo dhammaantood ku jira gacanta cadowga kala jinsiyadaha ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items