Askari Muqdisho ku Rasaaseeyay Gaari ay la socdeen Arday iyo Dhaawacyo ka dhashay.

Sunday May 19, 2019 - 12:08:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Muqdisho ku Rasaaseeyay Gaari ay la socdeen Arday iyo Dhaawacyo ka dhashay.

    Weerar hubeysan oo askari katirsan ciidamada dowladda Federaalka ku qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa dhaliyay khasaara dhaawacyo ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar hubeysan oo askari katirsan ciidamada dowladda Federaalka ku qaaday gaari ay la socdeen dad shacab ah ayaa dhaliyay khasaara dhaawacyo ah.


Maanta barqadii ayuu askari katirsan ciidamada Booliska wuxuu si bareer ah u rasaaseeyay gaari sida arday xilli uu marayay xaafadda Tabakaayo Madoow ee degmada Dharkeynleey.

Ardayda laweeraray oo kusii jeeday iskuulka Al-anwaar waxaa ka dhaawacay illaa sedax qof oo laba kamida ay gabdho ahaayeen dhammaantoodna waa walaalo waxayna kala yihiin Safiyo Dahir, Hodan Dahir iyo Zakariye Dahir.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in askarigii toogashada geystay uu si goobta si nabad gelya ah uga baxsaday, kumanaan katirsan maleeshiyaadka dowladda oo jidgooyooyin dhigtay waddooyinka Muqdisho ayaa dhibaa ku haya dadka shacabka ah.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items