Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyada.

Sunday May 19, 2019 - 21:22:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax ka dhacay Nawaaxiga Madaxtooyada.

    Jugta qaraxa xooggan oo inta badan degmooyinka gobolka Banaadir laga maqlay ayaa caawa Maqribkii ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn dhismaha madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qaraxa xooggan oo inta badan degmooyinka gobolka Banaadir laga maqlay ayaa caawa Maqribkii ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn dhismaha madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

 


Qaraxa ayaa haleelay gaari Cabdi Cabdi Bile ah oo ay la socdeen saraakiisha dowladda hoose ee gobolka Banaadir, war rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda qaraxan oo lala helay bartilmaameedkii lala eeganayay.

Haweenay Afhayeenad ah oo u hadashay Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa islamarkii uu qaraxu dhacay sheegtay in laqabtay dad ay ku sheegtay in ay mas'uul ka ahaayeen qaraxa waxaana muuqata in xukuumadda Kheyre ay fashilka dhanka amni ku daboolayso dacaayad rakhiis ah.



Tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal si xowlli ah ku socda iyo qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items