Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal kula Wareegay Saldhig ciidan oo kuyaal degmada Waajid.

Monday May 20, 2019 - 11:48:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal kula Wareegay Saldhig ciidan oo kuyaal degmada Waajid.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Bakool ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya degmada Waajid ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay weerar safballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Koonfur galbeed ee degmadaasi.

War rasmi ah oo kasoo baxay Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiggii ciidamada Koonfur galbeed ee degmada Waajid ayna dileen askar farabadan hubka kasoo rarteen saldhigga.


"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay saldhiggii maleeshiyaadka Murtadiinta ee degmada Waajid kadib dagaal culus oo ay ku qaadeen cadowga, khasaaraha cadowga gaaray waa shan askari dhimasho ah halka mujaahidiintu ay soo qaniimeysteen 5 qori oo uu kujiro PKM" ayaa lagu yiri war lagasii daayay Idaacadda Andalus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Xabashida Itoobiya ee saldhigga ku leh degmada Waajid aysan wax gurmad ah ufidin maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah ee weerarka lakulmay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii qarax ka dhacay duleedka degmada Bardaale lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka dabadhilifka ah ee isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items