Qarax gaari looga Gubay Ciidanka Kenya oo ka dhacay degmada Wajeer.

Monday May 20, 2019 - 13:33:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga Gubay Ciidanka Kenya oo ka dhacay degmada Wajeer.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Qaraxa oo lala helay gaari Motabiish ah ayaa ka dhacay wadada xiriirisa magaalada Wajeer iyo deegaanka Kutulo, ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaariga uu qaraxu haleelay uu gebi ahaantiisba burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii Kenya ee la socday.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa xalay weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Taabto oo hoos yimaad degmada Dhoobleey.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay, lama oga khasaaraha melleteriga Kenya kasoo gaaray dagaalkii xalay ka dhacay Taabto.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items