Al Shabaab Oo Weerararay Saldhigga Ciidanka Kenya ee deegaanka Kudhaa.

Tuesday May 21, 2019 - 11:48:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerararay Saldhigga Ciidanka Kenya ee deegaanka Kudhaa.

    Wararka ka imaanaya Cirifka Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada melleteriga dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Cirifka Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas ku dhaxmareen xoogaga Al Shabaab iyo ciidamada melleteriga dowladda Kenya.


Xalay fiidkii ayuu dagaal culus ka dhacay deegaanka Kudhaa ee xeebta Jubbada Hoose halkaas oo saldhigyo ay ku leeyihiin ciidamada gummeysiga Kenya iyo maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ay xoogaga Al Shabaab weeraro safballaaran ah ku ekeeyeen saldhigyada cadowga wadajirka ah ee ku sugan deegaanka Kudhaa, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaas lays dhaafsanayay.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay muddo kooban qabsadeen dhowr difaac oo ciidamada huwanta ah ku leeyihiin deegaanka Kudhaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items