Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay "Bishii Maarso oo kaliya Soomaaliya waxaa ka dhacay 77 qarax".

Tuesday May 21, 2019 - 13:58:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud ee Q.Midoobay "Bishii Maarso oo kaliya Soomaaliya waxaa ka dhacay 77 qarax".

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ballaaran ka muujisay weerarada sii xoogeysanaya ee Xarakada Al Shabaab ka fulinayso magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ballaaran ka muujisay weerarada sii xoogeysanaya ee Xarakada Al Shabaab ka fulinayso magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.


Warbixin rasmi ah oo uu soo saaray xoghayaha guud ee Q.Midoobay Antonio Guterres ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ee Farmaajo iyo Kheyre hoggaamiyaan ay ku fashilantay ka hortagga qaraxyada iyo weerarada ay Al Shabaab ka geysanayso magaalada Muqdisho.

Isagoo warbixin ka hor jeedinayay golaha ammaanka ayuu ku sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda ka dhaceen illaa 77 weerar oo isugu jira qaraxyo iyo weeraro toos ah oo lagu dilay askar iyo saraakiil katirsan dowladda.


"Arrintan waxay muujineysaa tababar yarida dowladda Soomaaliya waana wax laga xumaado in bilihii April iyo Maarso ay weeraradii ugu badnaa Kooxaha argagixisada ah ay ka geystaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, farsamada ugu badan ee Al-Shabaab hadda adeegsato waa Miinooyinkaā€¯ ayuu yiri Guterres.

Dhinaca kale xogyaha guud ee Q.Midoobay ayaa qiray in dhammaan maamullada kajira Soomaaliya ay ku fashilmeen ladagaallanka waxa uu ugu yeeray Argagaxisada islamarkaana ay dalka kajirto xasilooni la'aan dhanka siyaasadda ah isagoo ula jeeday khilaafka u dhaxeeya dowladda Farmaajo iyo maamul goboleedyada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items