Ciidamada Kenya oo xiray qaar kamid ah Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida Magaalada Nairobi.

Tuesday May 21, 2019 - 21:55:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo xiray qaar kamid ah Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida Magaalada Nairobi.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in xaalad cabsi leh ay soo wajahday ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Nairobi ee caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in xaalad cabsi leh ay soo wajahday ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Nairobi ee caasimadda ah.

Boqolaal katirsan ciidamada Booliska Kenya ayaa maanta xoog ku galay xarumaha shirkadaha Xawaaladaha soomaalida ee Xaafadda Islii balse lama sheegin in xawaaladuhu sii xirnaan doonaan iyo inkale.

Guddiga ganacsatada Soomaalida magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Booliska Kenya ay gudaha ugaleen xarumaha shirkadaha xawaaladaha iyagoo aan kusoo wargelin.

Ganacsatada ayaa ka cabsi qaba in ciidamada dowladda Kenya ay dib usoo cusboonaysiiyaan howlgalladii raafka ahaa ee ka dhanka ahaa shacabka ku dhaqan xaafadda Islii.


Talaabaan ay Kenya qaadday ayaa imaanaysa xilli mas'uuliyiin iyo xildhibaanno katirsan dowladda Federaalka lagasoo eryay magaalada Nairobi islamarkaana dowladda Kenya ay hakisay diyaaradihii sida tooska ah isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items