Wasiir katirsan Maamulka 'Puntland' Oo ka badaaday Weerar lagu dili lahaa.

Wednesday May 22, 2019 - 10:25:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir katirsan Maamulka 'Puntland' Oo ka badaaday Weerar lagu dili lahaa.

    Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay halkaas ku dhaxmareen ciidamo kala taabacsan maamullada 'Somaliland' iyo 'Puntland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in iska hor'imaadyo xooggan ay halkaas ku dhaxmareen ciidamo kala taabacsan maamullada 'Somaliland' iyo 'Puntland'.  

Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ah wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa weerar xooggan kala kulmay ciidamada maamulka isku magacaabay Somaliland xilli uu marayay deegaan lagu magacaabo  Yubbe.

War kasoo baxay maamulka 'Puntland' ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu iska caabiyeen weerar dhabbagal ah oo uga yimid dhanka maamulka Somaliland uuna bad qabo wasiirka waxbarashada ee la weeraray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in khasaara dhimasho iyo dhaawac uu labada dhinac kala gaaray, Cabdulaahi Max'med Xasan oo ah wasiirka weerarku qabsaday ayaa gaaray degmada Damala Xagarre halkaas oo uu kusii jeeday xilligii uu weerarku qabsanayay.


Colaad sanado qaadatay ayaa u dhaxaysa labadan maamul ee dabadhilifyada u ah xabashida Itoobiya waxayna isku hayaa gacan ku heynta degmooyin iyo deegaanno katirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items