4 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka degmada Wajeer.

Wednesday May 22, 2019 - 10:53:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    4 Askari Kenyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka degmada Wajeer.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamada dowladda Kenya laba maalmood ka hor lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gumeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan KDF oo Jubbada hoose lagu dilay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo ciidamada dowladda Kenya laba maalmood ka hor lagula beegsaday gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gumeysiga kujira.
Qarax miino oo burburiyay gaari Motabiish ah oo ay la socdeen ciidamada dowladda Kenya ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah, ilo wareedyo laga helay gudaha Kenya ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaartay 4 askari iyo dhaawaca todobo kale.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gabi ahaanba uu burburay gaariga uu qaraxu beegsaday, dhaawacyada gaaray ciidamada Kenya qaarkood ayaa ah kuwa culus waxaana lagu dabiibayaa isbitaallo melleteri oo kuyaal magaalada Nairobi.


Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan khasaaraha badan lagu gaarsiiyay ciidanka Kenya ee ka dhacay wadada xiriirisa tuulada Katulo iyo degmada Wajeer.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items