Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu beegsaday Xildhibaanno iyo Saraakiil oo ka dhacay hareeraha Madaxtooyada.

Wednesday May 22, 2019 - 11:09:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qarax lagu beegsaday Xildhibaanno iyo Saraakiil oo ka dhacay hareeraha Madaxtooyada.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho oo hoy u ah madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta barqadii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho oo hoy u ah madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka.


Dagaalyahan naftiis hure ah oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar aad loosoo qorsheeyay ku beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saaraakiil katirsan dowladda Federaalka iyo xidhibaanno baarlamaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkii maanta "Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil,xildhibaanno iyo madax katirsan murtadiinta oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaara cadowga" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


Qaraxa ka dhacay hareeraha madaxtooyada ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ka dhacay goob xasaasi ah oo ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen saraakiil ciidan islamarkaana ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka dowladd.

Saacadihii lasoo dhaafay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho waxaa lagusoo daadiyay ciidamo kuwaas oo xanibay isku socodka gaadiidka dadweynaha wuxuuna weerarkan banaanka soo dhigayaa fashilka ku yimid dadaalladii ay xukuumadda Kheyre ku sugeysay ammaanka xarumaheeda muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Related Items