Dhageyso: Birqda Roobka oo 180 neef Ari ah ku dishay gobolka Galguduud

Wednesday May 22, 2019 - 15:09:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Birqda Roobka oo 180 neef Ari ah ku dishay gobolka Galguduud

    Inta badan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa wali ka da'aya Roobabka xilliga Guga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa wali ka da'aya Roobabka xilliga Guga.


Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah ay sababeen waxyeello gaartay duunyada dadku dhaqdaan.

Roobab saacado badan qaatay oo ka da'ay  degmada Ceelbuur  iyo duleedkeeda ayaa sababay in ay bakhtiyaan 180 neef oo Ari ah, mid kamida qoysaska reer guuraaga ah ee gobolka Galguduud ayaa ku xoola beelay biriq ku dhacday mooro ari ah waxaana si dirqi ah ku badbaaday qoyska oo xilligii roobku da'ayay ku sugnaa aqal soomaali aan ka fogeyn moorada ariga.


isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu sheegay in uu ku qanacsanyahay qadarta Alle uuna rajeynayo in uu helo doono badal kheyr qaba insha'Allaah.

Halkan ka degso warbixin ku saabsan Biriqda xoolaha dishay ama hoos ka dhageyso



Related Items